Dagaal ka dhacay Koonfurta Yemen

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Madaxweynaha Yemen ayaa Sanca ka cararay kaddib markii Xuutiyiintu ay qabsadeen magaalada.

Dagaal xoggaan oo ka dhacay Koonfurta Yeman ayaa xiray Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada dekedda ah ee Cadan.

Wararka ayaa shegaayo in dhowr madaafic ah ay ku dhaceen goroonka isla markaana dad rakaabka ah lagu amray in ay ka soo degaan diyaarad u duli la hayd magalada Qaahira.

Magalada Cadan ayaa xarun u ah madaxweyne Cabdurabbuh Maansuur Haadi, kaaso ka baxsaday magalada casimadda ah ee Sanca, halkaasi oo u ku jiray xabsi guri kaddib markii ay halkaasi si buuxda gacanta ugu dhigtay Jabhadda Shiicada ee Xuutiyiinta.