Nin gabar uu dhalay ku xirxiray mooto

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Booliska India, ayaa dacwad ku soo oogay nin gabar uu dhalay, oo 8 jir ku xirxiray mooto uu lahaa.

Ninkan, ayaa la xiray kaddib markii wargeysyada maxaliga ah ee gobalka Uttar Pradesh ay daabaceen sawirro ay qaadeen dad arkayay ninka 40 jirka ahi. Ninka, ayaa hadda damaanad lagu sii daayay.

Waxa uu ninkaasi sheegay in gabadhiisa ay lahayd imtixaan, oo ay diiday in ay aado iskuulka.

Dhacdadan, ayaa timid wakhti uu Ra'iisul wasaaraha dalkaasi soo bandhigay olole ballaaran oo gabdhaha India wax lagu barayo.

Arrintan, ayaa ka dhacday tuullada Mathura maanta oo jimca ah.

Ninkan, ayaa waxa uu dhalay laba wiil iyo sedex gabdhood, waxaana shaqadiisu tahay in uu ilaaliyo iskuul si gaar ah loo leeyahay.

Booliska, ayaa sheegay in uu isku dayay in uu ku dhiirigeliyo gabadhiisa in ay aado Iskuulka, maadaama ay laheyd imtixaan oo la doonayay in ay ka qeyb qaadato.

Gabadhan, ayaa waxaa uu aabaheed ka ballanqaaday in uu siinayo mac macaan iyo hadiyado, balse markii ay diiday waxaas oo dhan oo aysan dooneynin in ay ka qeybqaadato imtixaanka, wuxuu isagoo careysan ku xirxiray qaybta dambe ee mootadiisa, wuxuuna u kaxeeyay iskuulka.

Ninkan, ayaa maalin ku jiray saldhig boolis, waloow uu ilaa iyo hadda aaminsan yahay in uu arrin sax ah sameeyay.

Ninkan, ayaa lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay nabadda sida uu BBC u sheegay kormeeraha guud ee booliska degmada Mathura Shailesh Pandey.

"Gabadhayda ma dhimanayso haddii ay waxbarato, balse waxaa xaqiiqa ah in ay dhimanayso haddii aysan wax baran" waxa uu sidaa u sheegay wargeyska Times ee India oo ka soo baxa Dalkaasi.

Dalka India, ayaa gabdhaha iskuulada dhigta waxa ay gaarayaan 64%, markii loo barbar dhigo ragga oo tiradooda ay gaareyso 81%.

Ra'iisul wasaare Narendra Modi, ayaa mar dhow waxa uu soo bandhigay olole waalidiinta la su'aalayo in gabdhahooda ay u diraan waxbarashada.

Dadka wax barashada u ololeeya, ayaa sheegaya in weli ay riyo fog u tahay gabdhaha, qaasatan kuwa ku nool dhulka baadiyaha ah ee India, waalidiin badanna waxa ay u maleynayaan in aysan muhiim aheyn in gabdhaha wax la baro.