Aabihii Singapore oo geeryooday

Lahaanshaha sawirka .
Image caption Lee Kuan Yew

Ra'iisul wasaarihii ugu horreeyey ee Singapore Lee Kuan Yew, ayaa geeriyooday. Wuxuu ahaa 91 jir. Wuxuu qabay xanuunka Oof-wareenka. Lee Kuan Yew, wuxuu dusha ka eegayey xorriyaddii ay Singapore ka qaadatay Britain, iyo ka go'itaankii Malaysia. 30kii sano ee uu awoodda hayey wuxuu ahaa maskaxdii ka dambaysay isbeddelka dalkiisa ee min dal deked leh oo fadhiid ah oo leh dhowr kheyraad oo dabiici ah illaa xarun dhaqaale iyo ganacsi oo caalami ah. Guusha Singapore ay gaartay ayaa waxay sare u sii qaadday sumacaddiisa, ayadoo loo arkay inuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ugu sarreeyey ee siyaasadda Aasiya wixii ka dambeeyay xilligii gumaysiga, walow uu dalka ku maamulayay qaab kali-talis.