Caruur la askareeyay oo la soo fasaxay

Lahaanshaha sawirka AFP

Jabhaddaha Koonfurta Suudaan ayaa sii daayay in ku dhaw labo boqol iyo konton ilmood ama canug oo la askareeyay.

Waa markii saddexaad ee ay caruur soo fasaxaan, arrintaasina oo waxa ay soo bilaabatay bishii koobaad ee sanadkan.

Waana natiijadii ka dhalatay heshiis nabadeed oo ay kala sixiixden dawladda iyo jabhaddaha gobolka Jonglei

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF, oo gacan ka gaysanaysa qorshahaasi ayaa sheegtay in afar boqol oo kale la sii dayndoono maalmaha soo socda taas oo noqon doonta tiradii ugu badnayd.

Sikastaba ha ahaatee UNICEF, waxa ay sheegtay in ilaa iyo 12000 oo caruuur ay ku lugleeyihiin dagaalada u dhaxeeya dawladda iyo jabhaddaha uu hogaaminayo madaxwayne ku xigeenkii hore Riek Machar.