QM oo dhinacyada Yemen ugu baaqday wadahadal

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption dad ka mudaaharaadaya xuutiyiinta

Wakiilka gaarka ee QM u qaabilsan Yemen ayaa ka digay in dalkaasi uu galo colaado daba-dheeraada sida waddamada Suuriya, Ciraaq iyo Liibiya.

Jamal Benomar ayaa hadalka ka sheegay kullan deg-deg ah oo Goalha Amaanka ee QM ay ka yeelanayaan arrinta Yemen. Waxa uu sheegay in ay tahay dhalanteed in loo qaato in falaagda shiicada huutiyiinta ay waddanka oo dhan la wareegi karaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in madaxweynaha xukunka laga tuuray ee Cabd Rabbuh Manuuur Hadi, uusan haysan ciidama ku filan oo ka caawiyo in uu awooda dib ula wareego.

Kullanka Gollaha Amaanka waxaa codsaday Madaxwayne Hadi, kaas oo bishii hore isaga cararay magaalada sanca una wareegay dhanka Cadan.

Dhinca kale, wararka laga helayo Yemen waxa ay sheegayaan in jabhadda shiicada ah ee Xuutiyiinta loo yaqaano ay qabsadeen qaybo kamid magaalada istaraatiijiga ah ee Tacis, oo dhacda ama ku taala inta u dhaxaysa caasimadda Sanca iyo magaalada Koonfurta ku taala ee Cadan, waxaa gacanta ku hayay ciidamo taabacsan Madaxwayne Cabdi-Rabih Mansuur Hadi.

qabsashadan u dambay waxaa ka dhashay mudaaharaadyo waawayn oo lagaga soo horjeedo.

Xuutiyiinta ayaa maamula dhul badan oo dalka Yemen ah.

Goor sii horaysay dalka Maraykanku waxa uu xaqiijiyay in la daad gureeyay dhamaan dadkii Maraykanka ahaa ee ku dambeeyay dalkaasi Yeman xaaladda ammaan ee ka sii daraysa awgeed.