Dhuusamareeb oo shir kale oo G/dhexe looga dhawaaqay

Image caption Odayaasha ka qaybgalay shirka beelaha ee Dhuusaamareeb

Shirkii beelaha ee ka socday magaalada Dhuusamareeb ayaa laga soo saaray warmurtiyeed ay cuqaashii shirka ka qayb galaysay ku sheegeen in wajiga labaad ee dhismaha maamul goboleedka uu ka furmi doono isla magaalada Dhuusamareeb, 25 March.

Waxaa la filayay in shirka maamul u samaynta goballada dhaxe lagu qaban doono magaalada Cadaado, sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya mar uu socdaal ku tagay magaalaa Dhusamareeb bishii February.

Warmurtiyeedka oo ay ku saxiixnaayeen sagaal oday oo mid kasta uu beel ka socday, waxaa kaloo lagu go'aansaday dhismaha guddi agaasin oo 21 xubnood ah, iyo tirade ergooyinka shirka oo lagu sheegay 510 xubnood. Arrintaan ayaa keeni karta muran ku saabsan dhismaha maamulka gobollada dhexe.

C/ladiif C/laahi Warsame, afhayeenka shirka ayaa BBC-da u sheegay in ergooyinka ka qayb galay shirka beelaha ay u doorteen in maamulka gobollada dhaxe lagu dhiso Dhusamareeb maadaama ay 'magaalada leedahay tasiilaadka loo baahan yahay si uu u qabsooma shirka'.