Lagama badbaadin diyaarad Jarmalka

Lahaanshaha sawirka Getty

Baarayaasha burburka diyaaradda rakaabka ee Jarmalka ee ku dhacday buuraha Alps ee Faransiiska, ayaa ku sharaxay goobta diyaaraddu ku dhacday meel baaba'a iyo burbur ka muuqdo.

Sarkaal ka tirsan oo Faransiis ah Bruce Robin, ayaa sheegay in uu arkay diyaaradda xamuulka A-320 uu burburkeedu goob baahsan daadsanaa, iyadoo gabi ahaanba burburtay.

Booliiska Faransiiska, ayaa muddo kooban ku degay goobta, waxaana ay sheegeen in boqol iyo konton qof oo saarnaa, uusan jirin qof ka badbaaday.

Wasiirka gudaha Faransiiska Bernard Cazeneuve, ayaa cadeeyay kooxaha gurmadku in ay heleen mid ka mid ah santuuqyada madow ee duuba waxa diyaaradda ka dhex dhaca.

Shirkadda diyaaradda ee Lufthansa oo lahayd Germanwings, ayaa sheegtay in ay u haystaan in dhici diyaaradda ay ku timid shil, waqtiga hadda ahna aysan wax kale ka hadli karin.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Lahaanshaha sawirka BBC World Service