Netanyahu oo raalligeliyay Carabta Israa'iil

Netanyahu Lahaanshaha sawirka other
Image caption Madaxda Carabta Israa'iil ayaa ku gacanseyray raalligelinta Netanyahu

Benjamin Netanyahu ayaa raalligelin ka bixiyay hadal uu doorashada ka hor soo saaray oo ahaa in Carabta ay u coodeynayaan musharraxiinta ka soo horjeedda.

Muuqaal uu soo saaray ayu Netanyahu ugu baaqey taageerayaashiisa inay si weyn ugu soo baxaan doorashada, isagoo sheegay in xisbigiisu halis ku jiro.

Waxaa uu sheegay in Carabtu "horin horin u codeynayaan" si ay u ridaan.

Hoggaamiya bulshada carabta ee Israa'iil ayaa ku gacan seyray raaligalinta Netanyahu.

Dadka dhaliilsan siyaasadda Netanyahu ayaa hadalkiisa ku tilmaamay cunsurinimo.