Shiinaha oo diiday baaqyo dibadda uga yimid

Lahaanshaha sawirka Reuters TV
Image caption Af hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Hua Chunying, ayaa sheegtay in aan la soo faro galin karin hanaanka cadaaladooda

Dowlada Shiinaha ayaa ku gacan sayrtay baaqyo wadamada dibada ah uga yimid oo la xiriira in ay siidaayaan shan haween ah oo la xiray iyaga oo dalbanaya in la joojiyo xadgudubyada xaga galmada ah.

Haweenka ayaa 20-kii maalmood ee u dambeeyey ku xirnaa dalkaasi.

Wasiirka arimaha dibada ee Shiinaha ayaa sheegay in aysan jirin cid xaq u leh in ay shiinaha kala hadlaan siidaynta dumarkan.

Dumarkan ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayeen in ay caasimada Bijiin ka dhigaan isu soo bax dadweyne bishan 3 een ku jirno 8-deedii oo ku beegnayd maalinya haweenka aduunka.

Maraykanka, Britain iyo midowga Yurub ayaa amuurtan walaac ka muujiyay.

Dumarkan xiran labo ka mid ah aya la sheegayaa in ay aad u xanuunsan yihiin.