Badhasaab Bilyaneer ah oo shaqada laga eryay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Madaxwaynaha Ukraine,Petro Poroshenko

Madaxwaynaha dalka Ukraine Petro Poroshenko, ayaa shaqada ka eryey Gafernatoore Bilyoneer ah oo xukumay gobolka Nipropetrovesk, oo ay ku yaalaan shirkado muhiim ah.

Waxaa jiray muran ku saabsanaa cidda gacanta ku haynaysa labo shirkadood oo shidaal oo ay dawladdu leedahay.

Go'aankani waxa uu ku soo aadayaa ka ddib markii rag hubaysan oo taageersan Gafernatooraha ay hawlgalo ka fuliyeen xafiisyada shirkadahaasi, amarkaas oo la sheegay in uu bixiyay barasaabkan oo lagu magacaabo Ihor Kolomoisky.

Saacado ka dib waxaa iyagana la xiray labo sarkaal oo dowladda ka tirsanaa, gacmaha ayaa laga xiray kaddibna waa lala tagay. Waxaana lagu eedaynayaa musuqmaauq iyo wax isdaba marin.