Duuliyaha labaad “oo riday” diyaaraddii dhacday

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Goobta ay diyaaradda ku dhacday

Dacwad oogaha guud ee magaalada Faransiiska ku taalla ee Marseille, ayaa sheegay in duuliyaha labaad ee diyaaraddii ku dhacday buuraha Alps ee dalkaasi, uu si ula kac ah diyaaraddaasi ugu dhuftay buurta.

Dacwad oogaha ayaa sheegay in aanay cadeyn sababta uu duuliyaha Jarmalka ah u riday diyaaradda, iyadoo ay ku dhinteen dhammaan boqol iyo kontonkii qof ee saarnaa.

Waxa uu intaa ku daray in duuliyaha koowaad ee diyaaradda uu dibadda uga baxay shirka ka hor inta aanay dhicin, isla markaana uu duuliyaha labaad u diiday in uu shirka kusoo laabto.

Duuliyaha labaad ee loo haysto in uu diyaaradda riday ayaa diiday codsiyo isdaba joog ah, oo uga imanayay duuliyaha koowaad iyo waaxda hagidda diyaaraddaha, waxaana la maqlayay isaga oo weli neefsanaya kaddib markii ay diyaaradda dhacday.