Guinea oo qaadaysa tallaabooyin cusub oo ka dhan ah Ebola

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Koox ka tirsan Laanqeyrta Cas ee Faransiiska oo la tacaalaya cudurka Ebola gudaha Guinea

Madaxweynaha dalka Guinea, ayaa waxa uu ku dhawaaqay in shan gobal oo ka tirsan dalkaasi lagu soo rogayo xalaad caafimaad oo deg deg ah.

Tallaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay isku day cusub oo lagu cirib tirayo cudurka Ebola.

Madaxweyne Alpha Conde, ayaa sheegay in cudurka ay adag tahay in la cirib tiro, waxa uuna ku dhawaaqay xayiraado cusub.

Xayiraadahan cusub ayaa waxaa ka ah in la karantiilo xarun caafimaad oo howlwadeenadii caafimaadka ay cudurka qaadeen, shuruuc cusub oo ku aadan aaska iyo tacsida loo sameeyo dadk iyo in haddii loo baahdo ay xaq u leeyihiin in ay soo rogaan xayiraad guud oo dhanka isu socodka ah.