Ololasha doorashada oo ka bilowday Britain

Lahaanshaha sawirka AFP

Ololaha doorashada, ayaa si rasmi ah uga bilowday dalka UK, taasoo dhici doonto bisha May.

Waxaa la filayaa in ay noqoto doorashadii ugu adkayd ee dhinacyadu si aad ah isugu soo dhowaadaan tartanka muddo tobanaan sano ah.

Ra'iisul wasaaraha David Cameron, ayaa aaday xarunta boqortooyada ee Buckingham Palace si uu ugu wargaliyo boqoradda in Baarlamaanka la kala diray, taasoo soo afjaraysa isbahaysi shan sano ah oo u dhaxeeyay xisbiga muxaafidka Conservative-ka iyo kan Demoqraadiyiinta furfura ee Liberal Democrats.

Qiyaas lagu sii sameeyo codadka dadku dhiiban doonaan, ayaa muujisay in xisbiga Consrvativbe-ka iyo mucaaradkooda Labour-ka in ay barbardhac yihiin, iyadoo midkodna uusan haysan aqlabiyad.

Waxaa hubaal la'aanta kaga sii daraya, iyadoo ay xisbiyo yar yar soo kordhayso awoodooda sida wadaniyiinta Scotland ee Scotish Nationalists iyo xisbiga kale ee xornimada UK, UK Independence Party.

Xisbiga conservative-ka hadii dib loo doorto wuxuu ballanqaaday in uu qaban doono afti loo qaadayo xubinnimada Britain ee midowga Yurub.