R/wasaaraha iraq oo tagay Tikrit

Warbaahinta dawladda iraq ayaa sheegtay in raiisal-wasaaraha dalka Xaydar al-cabadi uu tagay magaalada Tikrit oo bil ka badan ay ciidamada kula dagaalamayeen xoogaga daacish oo ay dib uga qabsadeen.dagaalkii Tikrit wuxuu ahaa tijaabadii u weyneyd una horeysay ee dawladda Iraq ay daacish kula dagaalmi karto.haddii ay dhabtii dawladu dib u qabsatay Tikrit,waxay u noqoneysaa mid si weyn niyadda ugu dhista.waxaana iminka indhaha oo dhan wada eegayaan sida dawladda iyo milishiyada taageereysaa ay ula dhaqmaan magaalada iyo dadkeeda iyo sida daacish u dooneyso in ay soo laba-kacleyso.