askar Masaari ah oo lagu dilay Sinay

Sarakiisha Masaarida ayaa sheegaya in koox dablay ahi ay ugu yaraan 15 askari ku dishay baro kontrool oo ku yaal waqooyiga Siinaay.

Ciidamada Masaarida ayaa dagaal kula jira kooxo ka dagalamayaa waqooytiga Siinaay iyagoo isku dayaya in ay soo afjaraan dagaalka kooxahaasi halkaa ka wadaan.

Baryahan danbe ayaa kooxahani weeraro dhiig ku daatay ka geeysanayeen gobolkaasi.

Kooxda ugu firfircoon uguna khatarta badan ee siinaay ka dagalama ayaa dhawaan ku dhawaaqay inay u hogaansamayaan daacish.