Xuutiyiinta oo Cadan galay

Magaalada dekeda ah ee Cadan ee dalka Yaman , ayaa waxaa kasocda dagaal qadhaadh oo dhex maraya ciidamada Xuutiyiinta iyo ciidanka udaacada ah madaxweynaha dalka Yaman Abdu Rabbu Mansour Hadi .

Madaxweynaha Yaman ayaa Usbuuc ka hor ka cararay magaalada , wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamao ka dageen dekeda cadan si ay dagaalaka uga qayb qataan , lakiin sucuudiga oo horseed ka ah dagaalka cirka ee Yaman kasocda ayaa dafiray in ciidankooda ama ciidamada Xulafadoodu ay dagaal dhulka ah la galeen Xuutiyiinta .

Xadka waqooyiga Yaman ee ay sucuudiga wadagaan ayaa la sheegay in asakari ilaalada sucuudiga ahi ku geeriyooday dhawr kalena ku dhawacmeen ka dib markii rasaas laga soo furay dhanka yaman.

Waxaa kaloo lasoo sheegayaa in iska hor imaad ka dhacay meesha layidhaa Almukulla oo bariga kaga beegan Cadan, halkaas oo koox Alqaacida ahi xabsi ka jabiyeen 300 oo maxbuus.