Dagaal culus oo ka socda magaalada Cadan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Taangi marayo bartamaha magaalada Cadan ee dalka Yemen

Dagaalka ayaa ku sii xoogaystay caasimadda labaad ee dalkaasi Yemen ee Cadan, xilli ay fallaagada Xuutiyiinta isku dayayaan inay magaaladaasi kala wareegaan maleeshiyaad maxali ah oo halkaasi ka dagaalamaya.

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan magaalada Cadan ayaa waxa ay ka warrameen duqeyn xooggan, qoryo diirad leh oo ay maleeshiyaadka la fuuleen guryaha korkooda, iyo meydad daadsan wadooyinka.

Waxaa jira walaac sii dhorkaya oo ku aadan tirada dadka wax ku noqday colaadaasi, xilli fallaagada ay sii wadaan inay horay u socdaan, inkastoo in kabadan todobaad xoogaga Xuutiyiinta lagu hayo duqeymo dhanka cirka ah ee ay wadaan isbaheysiga uu horkacayo Sacuudiga.

Afhayeen milateri oo u hadlay isbaheysiga oo lagu magacaabo Axmed Asiri, ayaa xaqiijiyay inuu socdo dagaal culus.

Dhanka kale tirada dadka ku dhaawacmay dagaalada ka socda dalkaasi ayaa sii kordhaysa.