Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dooda doorashada Britain

Waddanka Britain, hogaamiyayaasha toddoba-da xisbi siyaasadeed ayaa waxa ay ka qeyb qaateen dood taleefishinka laga sii daayay oo ku saabsan doorashada soo socota.

Midkasta oo ka mid ah ayaa la siiyay hal daqiiqo si uu uga jawaabo su'aala ku aadaneyd dhaqaalaha, socdaalka, caafimaadka iyo mustaqbalka Britain ka hor inta aanan arrimahaa laga doodin.

Dhowr hogaamiye ayaa ku dooday in barnaamijka gunti isku giijiska uu faraha ka baxay intii ay jirtay dowladda ay muxaafidka hogaamiyaan.

Hasayeeshee ra'iisul wasaare David Cameron, ayaa sheegay in qorshaha xisbigiisa uu suuragaliyay in dalka uu soo kabto.

Haddaba maxay tahay muhimadda ay doodani leedahay iyo arrimaha ololaha doorashada UK. Su'aashaas iyo su'aalo kale ayaa waxaan waydiinay aqoonyahan Cabdi Boobe Cumar oo ku sugan gobalka Avon ee dalka Britian.

Cabdi Boobe ayaa waxa uu khadka taleefanka ugu warramay weriyaha BBC Cabdiraxmaan Bidhaan oo London jooga.