Baroor-diiq ka bilaabatay Kenya

Image caption Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta

Dalka Kenya ayaa waxaa maanta ka bilowday saddex maalmood oo baroor-diiq loo sameynayo dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay jaamacadda Gaarisa Khamiistii.

Weerarkaasi oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay xarakada Shabaab ayaa waxaa ku dhintay 148 qof oo ardey u badan.

Hay’adda Laanqeynta cas ee Kenya ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda la aqoonsaday meydadka 54 ka mid ah dadkii weerarka ku dhintay oo loo soo qaaday caasimadda Nairobi.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in uu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Jaamacadda Al-Azhar ee dalka Masar ayaa cambaareysay weerarkii Gaarisa ee ardeyda lagu laayay.