Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dareenka laga qabo qurba joogta

Soomaali badan oo muddo dheer ku nolaa waddammada Yurub iyo Maraykanka ayaa dib ugu laabta deegaannadii ay markii hore ka yimaadeen si ay nolol cusub uga bilaabaan.

Hase ahaatee, waxaa jira qaar dhibaatooyin kala kulma sidii ay ula qabsan lahaayeen xaaladaha nolosha iyo dhaqanka ee deegaannadaas ka jira.

Yaasiin Cali Aaden, waxaa uu ka mid yahay aqoonyahannada qurbajoogta ah ee dib ugu laabtay dhulkoodii. Waxaa uu uga waramay Bidhaan Daahir wixii uu kula kulmay deegaanka uu tegay.