Kenya oo "duqeysay" xarun Al-Shabaab ku leedahay Gedo

Kenya
Image caption Dadka reer Kenya ayaa u duceynayay 148-da ruux ee ku dhimatay weerarka Jaamacadda Garissa.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay duqeysay xarun ay Al-Shabaab ku leedahay Gedo maalmo kaddib weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Garissa ee ay ku dhinteen ku dhawaad 150 ruux.

Afhayeen u hadlay militariga Kenya ayaa sheegay in weerarka ay ku bartilmaameedsadeen tuulada Gadoondhawe oo 40km koonfur kaga beegan Beled Xaawo.

Gadoondawe waxay u dhawdahay xadka Kenya iyo Soomaaliya, waxana sidan oo kale loo duqeeyay kaddib weerarkii kaawada ee Mandera.

Waxaa weerarkaas ku dhintay 36 ruux oo masixiyiin ah oo ka shaqeynayay kaawadaasi.