Kenya oo weerartay meelo ka tirsan Gedo

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidamada Kenya ayaa kamid ah ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya.

Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa weeraray Soomaaliya meelo ay joogaan kooxda Alshabaab, sida uu sheegay afhayeenka milatariga.

Diyaaradaha dagaalka ayaa beegsaday laba xero gobolka Gedo, oo ay isticmaalaan Alshabaab si ay u soo galaan Kenya, ayuu sheegay afhayeenka.

Tani ayaa ah talaabadii ugu horaysay oo ay Kenya uga jawaabtay weerarkii Alshabaab ay ku qaaday Jaamacada Garisa toddobaadkii hore oo ay ku dhinteen 148 qof.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa balanqaaday inuu uga jawaabi doono weerarka sida ugu adag ee suurtogal ah.

Afhayeenka milatariga David Obonyo, ayaa BBC u sheegay in milatariga ay ka jawaabeen "qatarta" iyagoo qaaday weerar cirka ah habeenimadii Axada meelo fog ee gobolka Gedo.

Ma jiraan faahfaahin kale hadda ayuu sheegay.