UN oo ku baaqday in loo gargaaro Yarmuuk

Image caption Qaxootiga Falastiiniyiinta ah ee ku nool xerada Yarmuuk

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in si degdeg ah gargaar loo gaarsiiyo qaxootiga Falastiiniyiinta ah ee ku go’doonsan xerada qaxootiga Yarmuuk, ee ku taalla caasimada Suuriya, Dimishiq.

Qiyaastii 18 kun oo qof ayaa la rumeysan yahay in ay ku xayiran yihiin xeradaasi, kadib markii ay galeen xooggaga Daacish.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayaa dagaalyahanno ka tirsan Daacish waxa ay qabsadeen qeybo badan oo ka tirsan xerada qaxootiga Yarmuuk.

Waxaa lagu soo warramayaa in cunnada ayaa gabaabsi ka tahay dadka halkaasi ku xaniban, iyada oo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Daacish ay dad halkaasi ku gawracday.

Sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda gargaarka ee UNRWA ayaa golaha ammaanka u sheegay, in xaalka xeradaasi uu ka xun yahay sida la moodayo.

Xerada ayaa ku taalla meel aan sidaa uga fogeyn aqalka madaxtooyadda Suuriya ee uu ku nool yahay Bashar Al-Asad.

Sarkaalka ayaa Daacish ugu baaqay in dadka xerada ku go’doonsan u ogolaato gargaar dibedda uga yimaada.

Xerada Yarmuuk oo markii hore ay ku hareereysnaayeen ciidammada maamulka Asad, ayaa hadda waxaa ku dhex dagaallamaya maleeshiyaad Falastiiniyiin ah oo ku kacsan Bashar Al-Asad iyo xooggaga Daacish.