Duqeynta Yemen oo la hakiyay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Burbur ka dhashay dagaalka Yemen

Hay’adda Laanqeyrta cas ayaa sheegay in ay dalka Yemen u direyso diyaarado sida cunno iyo dawo, ka dib markii ay boqortooyadda Sacuudi Carabiya shaacisay in ay hakineyso duqeymaha ka dhanka ah Xuutiyiinta.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli faallagada Xuutiyiinta ay kusoo dhawaaneyso magaalada Cadan.

Waxaa jira warar sheegaya in xabbadu ka socota xaafadaha magaalada, iyada oo taangiyada Xuutiyiintana ay gaareen dekadda Cadan.

Dhowr dal ayaa kordhiyay dadaalka ay muwaadhiniintooda uga daadgureynayaan Cadan.

Dhowr iyo tobonkii maalmood ee lasoo dhaafay, xulafada uu Sacuudiga horkacayo ayaa isku dayay in ay hakiyaan Xuutiyiinta iyaga oo cirka ka weerarrayay.

Balse cadaadiska uga yimid beesha caalamka darteed, ayaa xulafada waxa ay hakiyeen duqeymaha, si dadka dhibaateysan loo gaarsiiyo gurmad bani’aadannimo.

Hay’adda Laanqeyrta cas ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan ay Yemen ugu direyso, laba diyaaradood oo gurmad iyo shaqaale sida.