Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Adan Ducaale: Waxaan iska soo saari doonnaa dadka taageersan Al-Shabaab

Hogaamiyaasha gobalka Waqooyi beri Kenya ayaa soo saaray baaqyo ay ka mid yihiin in la xiro xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Waxaa kale oo ay sheegeen inay dowladda u gudbin doonaan magacyada dadka ay u malaynayaan inay taageeraam ururka Al-Shabaab.

Arrintan waxay ka dambaysay weerarkii ka dhacay Garissa oo ay ku dhinteen 148 qof.

Hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlaamnka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa Cabdirisaaq Xaaji Catoosh uga waramay arrimahaasi.