Dibadbaxyo ka dhacay Kenya

Image caption Dibadbaxyo ka dhacy magaalada Nairobi

Dibaxyo ayaa ka dhacay dalka Kenya maalintii ugu dambeeysay 3 maalmood oo baroor diiq qaran oo loo samaynaya ku dhawaad 150 qof oo kooxda Al-shabaab ay ku dileen jaamacad ku taalla magaalada Gaarisa.

Magaalada Nairobi, boqolal qof oo u badan arday ayaa isugu soo baxay, waxa ayna dalbanayeen in dawladdu ay amniga dalka xoojiso. Qaarkood waxa ay codsadeen in la siiyo hub ay isku difaacaan, haddiiba ay dawaladdu ku guul daraysatay sugidda amniga.

Mudaaharaad kale oo ku dhawaad 2,500 oo qof ay ka qayb galeen ayaa ka dhacay magaalada Gaarisa, iyadoo mudaaharadayaashu ay ku dhawaaqayeen halkudhagyo ka dhan ah Al-shabaab.

Waxaa ka qaybgalay masiixiyiinta iyo muslimiinta ku nool magaaladaas.

Dhinaca kale, Shan qof oo u dhashay Kenya ayaa la horkeenay maxkamad ku taalla magaalada Nairobi, waxaana la tuhunsanyahay in ay xariir la leeyihiin raggii weerarka fuliyay.

Baliiska waxa uu dalbaday in xabsiga lagu sii hayo muddo 30 maalmood ah inta laga dhamaystirayo baaritaanada eedeymaha loo heysto.