US oo hubeynaysa xulafada dagaalka Yemen

Lahaanshaha sawirka
Image caption Dagaalyahan ka tirsan xooggaga iska caabinaya Xuutiyiinta

Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay sida ugu dhaqsaha badan hub ugu geyneyso xulafada uu Sacuudiga horkacayo ee dagaalka kula jirta Xuutiyiinta Yemen.

Mareykanka ayaa sidoo kale xoojinaya xogta mukhaabaraadka ee uu la wadaago xulafada, sida uu sheegay ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibedda ee dalkaasi, Antony Blinken.

Weerarkii ugu dambeeyay ee ay xulafadu qaado ayaa waxa ay ku bartilmaameedsadeen saldhig ay Xuutiyiinta ku leeyihiin gobolka Ibb.

Xuutiyiinta oo ku kacsan dawladda Cabdurabbah Mansuur Hadi, ayaa bilihii lasoo dhaafay qabsaday dhul badan oo ka tirsan Yemen.

Qaxooti badan oo Yemeniyiin ah, iyo muwaadhiniin ajaanib ah ayaa gaaray dalka Jabuuti.

Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sheegtay in todobaadyadii lasoo dhaafay dad tiradoodu lagu qiyaasay 550 qof ay ku dhinteen colaadda Yemen.