Dagaal dib uga bilowday Cadan

Lahaanshaha sawirka AFP

Mucaaradka dalka Yemen, ayaa lagu soo waramayaa in ay bilaabeen weerar hor leh oo ay ku qaadeen magaalada dekedda ah ee Cadan, oo ay dadaal ugu jiraan in qabsadaan.

Tobanaan muslimiinta Shiicada mucaaradka ah ee Xuutiyiinta, ayaa la sheegay in ay u gudbeen degmo ku taalla bartamaha magaalada oo ay ku dagaalamayaan maleeshiyo ku sugan goobta oo ay meel ay ku xoog badan yihiin taageerayaasha dowladda Yemen.

Dhowr guri ayaa dab la qabadsiiyay.

Iyagoo adeegsanaya codbaahiyayaasha masaajidyada ayay dadka ugu baaqayaan in ay kacaan oo ka hortagaan weerarayaasha.

Dhinaca kale, waxaa jira warar sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee isbahaysiga uu Sacuudigu hogaaminayo, oo dowladda taageersan ay garaaceen goobo mucaaradku degan yahay oo ku yaalla daafaha magaalada Cadan.