Hiigsiga wax barashada dhalaanka adduunka

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kala bar uun wadamada caalamka ay ku guulesteen bartilmaameedka caalamiga ah ee in dhammaan carruurta ay waxbarasho helaan sanadka 2015.

Warbixintan, oo ay soo saartay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada sayniiska iyo dhaqanka ee UNESCO, ayaa sidoo kale sheegaysa in ku dhowaad lixdan malyan oo da' yar ah aysan wali haysan haba yaraate wax waxbarasho ah.

Sanadkii 2000, Inta badan dalalka ayaa ka ballanqaaday kulan caalami ah oo ay qabanqaabisay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada ee UNESCO, in waxbarasho aasaasi ah oo ay helaan dhamaan caruurta dunidda lagu guulaysto sanadka 2015.

Hadda ayaa la joogaa sanadka 2015, UNESCO waxay soo saartay daraasad ay ku samaysay sida ballanqaadyada dalalku uga soo baxeen, waxayna si gaar ah u ammaantay dalal ay ka mid yihiin Afghanistan, Nepal, Sierra Leone, Rwanda, Tanzania and India.

Kuwa aadka uga fog in ay ku guulaystaan bartilmaameedka la tiigsanayo, waxaa ka mid ah dalal ay ka mid yihiin Nigeria, Pakistan, Ethiopia, Niger iyo Chad.

Bartilmaameedyo cusub, ayaa hadda mar kale loo dajiyay sanadka 2030, balse hay'adda UNESCO ayaa sheegaysa in labaatan bilyan doolar oo dheeraad ah sanadkii loo baahan yahay in lagu maalgaliyo barnaamijyada waxbarashada si loo xaqiijiyo in horumar laga sameeyo sidii loo gaari lahaa bartilmaameedka mar kale loo qabtay sanadka 2030.