Hay'addaha samafalka Soomaaliya oo walaac muujiyay

Lahaanshaha sawirka other

Hay'addaha gargaarka ee caalamiga ah ee soomaliya ka howlgala ayaa ka digay in ay joojin doonaan shaqooyinkii ay soomaliya ka hayeen, hadii aysan dawladda Kenya ka noqonin go'aankii ay ku xirtay xawilaadaha dalkeeda ka hawlgala, arrin taas oo daba socotay weerar kii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa.

War saxaafadeed ay soo saareen 15 hay'adood oo gargaarka ka shaqeeya ayay ku sheegeen in ay shirkadahaasi xawaaladaha ku dirsan jireen lacagaha ay u adeegsadaan hawlaha gargaarka isla markaasna ay ku bixiyaan mushahaarada iyo kirooyinka.

Waxa ay sheegeen in xiritaanka xawaaladaha ay saameyn xooggan ku yeelatay Soomaalida saboolka ah ee ku tiirsan dhaqaalaha loogu soo diro xawaaladaha oo ay u isticmaalaan in ay ku gataan cunto, oo ay isaga bixiyaan kharashaadka caafimaadka iyo iskuulada.

Kenya ayaa sheegtay in ay shirkadahaasi u xirtay sidii ay ku joojin laheyd dhaqaalaha u gudbi kara Al Shabaab.