Madaxda Muslimiinta Kenya oo Gaarisa ku shiraya

Lahaanshaha sawirka EPA

Madaxda Muslimiinta Kenya ayaa maanta booqday magaalada Gaarisa, halkaas oo jaamacad ku taala ay Al-shabaab ku laayeen 148 qof.

Madaxdan waxay ka wada xaajoonayaan sidii looga hortagi lahaa weerarada xagjirnimada iyaga oo la kulmi doona , siyaasiyiinta, Madaxda diimaha, dhalinyarada iyo dumarka.

Sidoo kale madaxdan waxay booqan doonaan magaalooyinka Wajeer iyo Mandera oo iyagana ay saamaysay weerarada alshabaab.