Ruto: Qaxootiga seddax bilood gudahood halagu raro

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xeryaha Dhadhaab

Dawladda Kenya ayaa u qabatay muddo seddax bilood ah hay'adda qaxootiga ee UNHCR in ay ku xirto xerada qaxootiga ee Dhadhaab, haddii kale ay dawladda Kenya qasab ku xiri doonta xeryhaasi.

Madaxweyne Kuxigeenka Kenya William Ruto ayaa dalbaday in xeryahaasi loo raro dhinaca xadka ee gudaha Soomaaliya. Waxa uu sheegay in ay go'aankaasi ku wargliyeen hay'adda UNHCR.

Arrintani waxa ay ka dambaysay weerarkii ka dhacay magaadlada Gaarisa dhawaan oo ay ku dhinteen 148 qof. Waxaa sheegtay weerarkaasi kooxda Alshabaab.

Dawladda Kenya waxa ay sheegtay in ay tuhunsantahay in xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab loo adeegsado xarun ay AL-shabaab weerarada ka soo agaasimaan.

UNHCR oo maamusha xeryahaasi oo ay ku jiraan nus malyuun qof oo Soomaali u badan wali arrintani kama aysan hadlin.