Hilary Clinton oo is sharixi doonta

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Hilary Clinton ayaa dhawaan ku dhawaaqi doonto inay tartami doonto.

Hilary Clinton ayaa ku dhawaaqi doonto dhawaan inay u tartami doonto doorashada madaxweynenimada Maraykanka.

Dad la shaqeeya xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayaa sheegay inay dhawaan ku sheegi doonto twitter inay doonayso inay tartanto, kadibna video ayay soo galin doontaa internetka iyadoo sheegaysa sababta ay u tartamayso.

Waa qofka ugu horeeya dadka u tartami doono xisbiga Demoqraadiga.

Madaxweyne Obama ayaa shalay taageeray Hilary Clinton wuxuuna sheegay inay noqon karto madaxweyne fiican.