QM: Kenya amar rasmi ah ma dhiibin

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xerada Dadaab.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inaysan ka helin amar rasmi ah dowlada Kenya si loo xiro xerada qaxootoga oo ay ku jiraan boqolaal kun oo qaxooti.

Sabtidii, madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, ayaa sheegay inuu siiyay saddex bilood Hayadda qaxootiga ee UNHCR inay ku xirto xerada saddex bilood gaysana qaxootiga Soomaaliya. Hadii kale ayuu yiri Kenya inay iyada xiri doonto.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Kenya ayaa aaminsan in xerada qaxootiga ay noqotay meel Alshabaab laga qoro. Alshabaab ayaa xasuuqday ku dhawaad 150 arday jaamacada Garissa ee waqooyi bari Kenya.