Talyaaniga oo sheegay koror tahriibayaal

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dadka doomaha ku imaanaya Talyaaniga.

Ilaalada badda ee Talyaaniga ayaa sheegtay inay korortay tirada dadka sharci la'aanta ee talyaaniga ka soo galaya badda Madatarenianka.

Maraakiibta Talyaaniga ayaa badbaadiyay in kabadan shan kun iyo shan boqol oo qof saddexdii maalmood ee ugu danbaysay. Axadii, labaatan iyo laba doon ayaa la badbaadiyay. Hal doon oo siday in kabadan boqol iyo konton qof ayaa ku gadoontay meel u jirta boqol iyo labaatan kilometer xeebta Libya.

Maydka sagaal tahriibayaal ayaa la helay, in kabadan boqol iyo afartan ayaa la badbaadiyay. Dad badan ayaa isku dayaya inay badda ka soo galaan iyadoo badda ay degan tahay hadda.