Nigeria: APC oo ku guulaysatay dhowr gobol

Image caption Muhammadou Buhari ayaa ku guulaystay doorashada madaxweynenimada.

Xisbiga APC ee mucaaradka Nigeria ayaa ku guulaystay doorashda maamul goboleedyada ee sanadkan.

Xisbiga APC ayaa ku guulaystay Lagos oo ay hore u maamulayeen, iyo gobolada Kaduna iyo Katsina.

Arrintan ayaa ka danbaysay markii xisbiga mucaaradka ee APC uu ka guulaystay xisbiga talada haya ee PDP doorashada madaxweynenimada.

Natiijada ugu danbaysay ee labaatan iyo sagaal gudoomiye goboleedyo iyo soddon iyo lix gobol baarlamaankooda ayaa wali soo baxaya.

Gudoomiyayaasha gobolada ee Nigeria ayaa maamula miisaaniyad wayn, waxayna ka mid yihiin dadka waddanka ku leh awood siyaasadeed.

Maamulka Lagos

Doorashada gobolada ayaa timid laba toddobaad kadib markii Muhammadu Buhari uu ka guulaystay madaxweynaha xilka haya Goodluck Jonathan, uuna noqday mucaaradkii ugu horeeyay ee ku guulaysta madaxweynenimada taariikhda waddanka.

Axadii, gudiga doorashada (Inec) ayaa ku dhawaaqay in Gen Buhari xisbigiisa ee APC, ay ku guulaysteen gobolka Lagos, Kaduna iyo Katsina.