Doorashada Sudaan oo weli socota

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Al-bashiir ayaa muddo dheer xukumaya Sudaan

Maalintii ugu horeysay ee codeynta doorashooyiinka guud ee dalka Sudaan ayaa dhammaatay.

Mucaaradka ayaa qaadacay doorashada, waxayna sheegeen inaysan noqoneynin mid xor iyo cadaalada ah, taas oo ah aragtid ay kala mideysan yihiin dalalka reer galbeedka.

Madaxweyne Cumar Al-bashiir, waxa ay u badan tahay in dib loo soo doorto.

Dad aad u badan ayaa isugu tagay xarunta codeynta ee bartamaha magaalada Khartuum, si ay u daawadaan madaxweyne Al-bashiir marka uu codkiisa dhiibanaayo.

Balse meelaha kale, xarumo badan ayaan ahayn kuwo mashquul ah, oo tirade dadka usoo baxay ayaa aad u yar.

Xisbiga talada haya ayaa ku doodaya in tirade dadka codkooda dhiibtay ay aad u sareyso, balse weriyayaal madaxbannaan ayaa shakigelinayo arrintaasi.

Iyadoo mucaaradka ay dadka ugu baaqayaan inaysan ka qeybqaadanin codeynta, hadana natiijada shaki kuma jiro, tirade dadka codkooda dhiibtana waxay noqoneysaa mid muhiim ah.

Doorashooyiinka guud ee dalka Suudaan waxay soconeysaa laba maalin oo kale.