Askar ay xabsi ku xukuntay maxkamad Washington

Image caption Shirkadda Blackwater ayaa ka shaqeyn jirtay Ciraaq

Xeer ilaaliyaha maamulka federaalka ee Washington ayaa xukumay afar ka mid ahaa ilaaliada shirkadda amniga ee Blackwater, taas oo sabab u ah doorkii ay kulahaayeen toogashada 14 qof oo shacab Ciraaqiyiin ahaa iyo dhaawaca 17 kale, sanadkii 2007dii.

Nicholas Slatten waxaa lagu xukumay xabsi daa’in. Dustin Heard, Evan Liberty iyo Paul Slough ayaa lagu xukumay min 30 sano oo xabsi ah.

Garsooraha ayaa diiday hadalada ka imaanaya qareenada ee la xiriira in xukuno dabacsan uu ku riday iyo in waaxda dacwad oogista aysan adkeynin oo aan la saari ugu yaraan xukunka uu sharciga qabo.

Raggan oo horey uga mid ahaan jiray militariga Mareykanka ayaa dhammaantooda lagu helay dembiyo bishii October ee sanadkii hore.

Seddax kale ayaa lagu ogaaday inay fuliyeen dilala sharciyeysan.