Soomaaliya: 18 ku dhimatay weerar ka dhacay Muqdisho

Weerar Muqdisho Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarrada ka dhanka ah dowladda Soomaaliya

Ugu yaraan 18 ruux ayaa ku dhimatay qarax gaari iyo weerar xigay oo lala beegsaday xarunta wasaaradda tacliinta sare ee Muqdisho.

Dadka dhintay badankood ayaa u badan dad rayid ah.

Ugu yaraan hal sarkaal oo ka mid ah madaxda wasaaradda ayaa weerarka ku dhaawacmay.

Ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa sheegtay weerarka Muqdisho.

Ururka ayaa sidoo kale horey u sheegtay dhwor weerar oo ka dhacay gudaha Soomaaliya, iyo welibo waddanka deriska la ah ee Kenya.