UNHCR: Ammaanka ayaan kala shaqaynaynaa Kenya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xerada qaxootiga ee ugu wayn adduunka waa dhadhaab.

Hay'adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR, waxa ay sheegtay in ay diyaar u tahay in ay Kenya kala shaqayso sidii loo xoojin lahaa sugidda amniga xeradda qaxootiga ee ugu wayn Adduunka.

Xeradaasi oo ah Dhadhaab waxa ay xad la leedahay Soomaaliya.

Hay'addu waxa ay markale ugu baaqday Kenya in ay ka fiirsato go'aankeeda ku aadan xidhitaankeeda xeryaha qaxootiga, arrintaas oo daba socotay weerarkii ay dadka badani ku dhinteen ee ka dhacay jaamacad ku taala magaalada Gaarisa.

Weerarkaasi waxaa sheegatay ururka Al-shabaab.

Dawladda Kenya waxa ay doonaysaa in Hay'adda qaxootiga ee UNHCR, ay dib ugu celiso Soomaaliya in kabadan saddex boqol iyo konton kun oo qof oo qaxooti ah mudo saadex bilood gudahood ah.

Dawladda Kenya waxa ay Al-shabaab ku eedaysay in ay dagaalyahano ka qoranayso xeryaha qaxootiga, laakiin arrintaas waxaa diiday hay'adda qaxootiga ee UNHCR.