QM oo ka walaacsan doorashooyinka Burundi

Image caption Astaanta UN-ta

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegaysa, in walaac ay ka qabto xiisadaha dhici kara ka hor doorashada dalka Burundi.

Hay’adda ayaa sidoo kale ka walaacsan sida ay isu soo tarayso dadka ka cararaya Burundi, kuna sii jeeda wadanka dariska ah ee Rwanda, kuwaas oo ka soo baxsanaya suuragalnimada ah in dalkooda uu ka dhaco qalalaase.

Waxaa jira muran ah in uu madaxweyne Pierre Nkurunziza, uu u tartami karo jagadaasi mar seddexaad doorashooyinka dhacaya bisha June, taas oo keentay dhibaatooyin ballaaran oo dhanka siyaasadda ah.

Qaxootiga ayaa waxa ay ku qulqulayeen dalka Rwanda tan iyo bartimihii bishii March, waloow muddooyinkii u dambeeyay ay isa soo tarayeen.

Qaxootiga qaar ayaa sheegaya in ay ka soo carrareen weerarro kaga imaanayay Imbonerakure, oo ah garabka dhalinyarada ee dowladda haatan talada haysa.