G7 oo ka hadlay cunaqabataynta Ruushka

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Hoggaamiyayaasha wadamada G7

Wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka la isku yiraahdo G-7 oo hoggaaminaya shirka horumarka dhaqaalaha ayaa sheegay in cunaqabataynta Ruushka saaran laga qaadi karo oo kaliya haddii Moscow, ay buuxiso shuruudaha xabad joojinta ee dalka Ukraine.

Kulan ay ku leeyihiin Jarmalka, ayay wasiiradu ku soo dhaweeyeen hannaanka la sameeyay ee ah fulinta heshiiska xabbad joojinta, kaas oo lagu saxiixay magaalada Minsk, bishii February.

Lakiin waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in intaa kabadan la sameeyo, waxa ayna intaa ku dareen in Ruushka ay u adeegsadaan saamayntooda kooxaha gooni u goosadka ee bariga Ukraine.

Dalka Ruushka ayaa laga saaray wadamada G8, kaddib markii ay isku ballaariyeen gobalka Crimea.