Sacuudiga oo gabar lagu daldalay

Lahaanshaha sawirka Amnesty International CIMW
Image caption Siti Zaenab Duhri, oo la daldalay

Dowladda dalka Indonesia ayaa ugu yeertay in danjiriha Sacuudiga ee dalkaasi u jooga in uu ka dhiidhiyo daldalaad lagu sameeyay haweenay jaariyad ama shaqaale ahayd oo u dhalatay dalkaasi.

Warbaahinta dowladda ee dalka Sacuudiga ayaa sheegtay in Siti Zaenab Duhri, lagu daldalay magaalada Madina, talaadadii aynu soo dhaafnay, kaddib markii lagu helay sida la sheegay in tooraysay oo ay garaacday ilaa uu ka dhintay qofkii ay u shaqeynaysay sanadkii 1999-kii.

Sharciga Sacuudiga ayaa dhigaya, in uu maamulka sugo caruurta ay dhashay haweynaydaasi la dilay da’dooda si ay go’aan uga gaaraan in ay doonayeen ciqaabta dilka ah, mag dhaw in ay bixiyaan ama la cafiyo hooyada.

Dhanka kale qof u dhashay Sacuudiga ayaa lagu daldalay maanta gobalka waqooyiga ku yaala ee Al-Jouf, isaga oo sida la sheegay ka ganacsanayay daroogo.