Dowladda Colombia oo duqeyneysa mucaaradka

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dowladda ayaa FARC ku eedeyneysa dilka askarta

Madaxweynaha dalka Colombian president, Juan Manuel Santos, ayaa amray in duqeyn diyaaradeed lagu qaado mucaaradka dalkaasi ee FARC, kaddib markii ugu yaraan 10 askeri lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay galbeedka dalka.

Balse hogaamiyaha dalka Colombian waxa uu sheegay in weerarka uu muujinaayo sida loogu baahan yahay in la dardargeliyo wadahadallada si loo soo afjaro colaadda, halkii la fogeyn lahaa dadka dhaliila siyaasaddiisa.

Weerarada diyaaradeed ayaa la hakiyay bil ka hor taas oo daba socotay heshiis xabad joojin hal dhinac ka timi oo ay ku dhawaaqeen mucaaradka, iyadoo wadahadallada dowladda iyo Mucaaradka FARC ay ka socdeen dalka Cuba.