Badbaadinta tahriibayaasha oo weli socota

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dadka ugu badan ee tahriibaya waxa ay yihiin dhallinyaro

Midowga Yurub ayaa lagu eedeeyay inay khatar gelinayaan nolosha kumannaanka qof ee raadinaya sidii ay u gaari lahaayeen Qaaradda Yurub.

EU ayaa siweyn u yareysay howlaheeda badbaadinta, taas oo ay sheegayaan in ay ku doonayaan sidii ay u yareyn lahaayeen muhaajiriinta sharcidarada ah ee badda ka gudbaya.

Laakiin dadka badda isku biimeynaya tiradooda ayaa aad usii kordheysa, waxaana maalinkastaa la badbaadiyaa boqollaal qof sida ay sheegtay hay'adda MSF.

Qaar ka mid ah dadka ka badbaaday doonta Doonta ku quustay badda ee ay ku dhinteen ku dhowaad 400 oo qof ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin sida loogu gurmaday.

Dhibaatadan oo Isniintii dhacday waxay ka mid ahayd kuwii ugu xumaa ee qabsatay tahriibayaal ku safrayay badda Mediterranean.

Hay’adaha gargaarka waxa ay sheegayaan inaan si wanaagsan wax looga qaban badbaadinta tirada dadka sii kordhaya ee doonaya inay Yurub galaan.

Illaa 20,000 oo qof oo ka cararaya colaad iyo faqri ayaa sanadkan halis u geliyay naftooda si ay u gaaraan taliyaaniga. Taas oo lamid ah sanadkii 2014kii oo la diiwaan geliyay in 170,000 oo qof ay gaareen xeebaha Taliyaaniga.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Waxa ay tahriibayaashan u badan yihiin Afrikaan

Dadkan ayaa dhibaatooyiin badan kala kulmay intey ku jiraan safarka tahriibta. Mataane ka soo safray dalka Suuriya oo lagu kala magacaabo, Ilya iyo Maxamed, ayaa sheegay in lacag badan laga qaatay, sidoo kalena aan cunno wanaagsan la siinin.

Waxa ay tilmaameen in mararka qaar dadka la garaacayay, taas oo ka mid ah tacadiyada ay la kulmaan tahriibayaasha ka hor inteysan gaarin badda.

Dadka ugu badan ee tahriibaya ayaa raadinaya nolol ka wanaagsan tan ay ku haystaan meelaha ay ka ambabaxayaan.

Joel Millman, oo ah afhayeenka hay’adda socdaalka aduunka ee IOM, ayaa xaqiijiyay in dadka ugu badan ee tahriibaya ay ka soo kala jeedaan galbeedka iyo Bariga Afrika, iyadoo tirada ugu badan ay yihiin Suuriyaan.

Wuxuu sheegay in dadkan ay qaldaan muqallasiin u sheega in ay aadaan Yurub si ay shaqo fiican u helaan.

Qiyaastii 10,000 oo qof ayaa dhowrkii maalin ee la soo dhaafay la badbaadiyay, iyadoo weli doomo kale ay ku wajahan yihiin Taliyaaniga.

In kabadan 500 oo qof ayaa tan iyo bilowgii sanadkan ku dhimatay badda, taas oo 30 jeer ka badan dadkii ku dhintay badda 4tii bile e ugu horeysay sanadkii 2014kii.

haddii tirada dhimashada hadda la xaqiijiyana, waxay gaaridoontaa illaa 900 oo qof kuwa naftooda ku waayay tahriibka.