Al-shabaab oo "tababarta" dhallinyarada Kenya

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Al-shabaab ayaa werarka gaarissa ku dhishay 148 qof

Iyadoo Kenya ay bilowday dhismaha derbi ay ka dhiseyso xuduudda ay Soomaaliya la wadaagto taas oo ay ugu hortageyso weerarada Al-shabaab, ayaa hadana BBC waxay uruurisay cadeyn muujineysa in Al-shabaab ay gudaha Kenya ka qortaan dagaalamayaal.

Magaalada Isiolo, in ka badan 20 dhallinyaro ah ayaa la sheegay in la waayay.

BBC-da waxay ogaatay in markii dambe waalidkooda ay soo weceen una sheegeen in ay ku biireen Al-shabaab.

Laba todobaad ka hor, ku dhawaad boqol iyo konton qof ayaa lagu dilay weerar ay jaamacadda Garissa ku qaadeen Al-shabaab.

Mid kamid ah dadkii weerarka qaaday ayaa la sheegay inuu Kenyan yahay.

Arrintaasi ayaa loo arkay in Kenya ay u haysato dhibaato gudaha ah, taas oo la sheegayo inay bilaabatay ka dib markii ciidamada Kenya ay Soomaaliya galeen.

Ururka Al-shabaab ayaa weli ku hanjabaya in weeraro kale ay ku qaadayaan Kenya.