Libya oo kaalmo ka raadsaneysa Ruushka

Madaxda la doortay ee Libiya ayaa u weecinaya dalka isbahaysigoodii hore si ay gargaar militery u helaan iyadoo dowladaha galbeedka ay wadaan in xal siyaasadeed loo helo dagaalka dalka ka jira.

Ra'iisul wasaaraha Libya, Abdullah Al-taani, iyo dhowr kale oo golahiisa wasiirada ah ayaa joogo Moscow, waxaana lagu soo waramayaa inay raadinayaan heshiis iskaashi oo militeri iyo farsamo ah.

Al-taani ayaa dhaliilay dowladaha galbeedka isagoo ku eedeeyay inay ka tageen Libya, wuxuuna ku tilmaamay Ruushka iyo Shiinaha inay fure u yihiin kaalmada dagaalka ay argagixisada kula jiraan.

Haatan, saraakiisha Ruushka waxay sheegeen inay hub siin karaan Libya marka cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay laga qaado.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xalka dagaalka Libya ka socdo uusan ku jirin militeri, ayna isku dayeyso inay kooxaha iska horjeeda heshiis ku geliso dhisidda dowladda loo dhan yahay.

Wareeg cusub oo wadahadalo ah ayaa todobaadkan lagu qabanaya Marooko.