35 ruux oo daad lagu la la'yahay

Wararka ka imaanaya deegaanka Mandheera ayaa sheegaya in daad uu qaaday bas rakaab siday.

Shan iyo sodon ruux ayaa ilaa iyo haatan la la'yahay waxaana la badbaadiyay sodon kale oo ka mid ahaa rakaabkii baska saarnaa. Daadkan waxaa BBC-da uga waramay guddoomiyaha degmada Mandheera, Ali Roba.

Daadadkan qasaaraha dhaliyay ayaa ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ilaa xalay ka da'ayay deegaanka.