Goobta baarista MH370 oo la balaarinayo

Lahaanshaha sawirka non

Sadaxda dal ee ku howlan raadinta diyaaradii Malaysia Airlines ee lagu waayay badda, Indian Ocean, ayaa sheegay inay labo laabi doonaan goobta baarista hadii aan waxba la helin ilaa bisha soo socoto.

Kooxaha baarista oo ilaa hadda kala bar sameeyay baarista oo dhan lixdan kun oo kiilomitir oo labo jibaaran ayaan wax raad ah oo ku saabsan MH370 helin, taasi oo la waayay sanad ka hor.

Kaddib kulan ka dhacay Kuala lumpur ayey wasiiro ka socda Shiinaha, Australia iyo Malaysia ku dhawaaqeen in goobta baarista la kordhin doono ilaa lixdan kun oo kiilomitir oo labo jibaaran iyadoo la raacayo jidka la tuhusan yahay ee diyaaradda.