Roob mahiigaan ah oo Muqdisho ka da'ay

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka da'ay roob mahiigaan oo sababay in magaalada ay kala xiranto.

Roobkan ayaa saameyn ku keenay isu-sosocdka gaadiidka iyo dadka. Waxaa kale oo la soo sheegayaa in meelaha qaarkood telefoonada ay go'een ka dib markii anteenooyinka isgaarsiinta ay biriq ku dhacday.

Sidoo kale Gobolada Dhexe ee Soomaaliya ayaa laga soo sheegayaa roob aad u culus oo mahiigaan ah.